VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Wacad - Lyrics

hadaad kalgacaylka xoortay jacaylkii hadaad xabaashay xadhkaha wacadkii u goysay anigu xumo kuuma quudho hankayga kamaad xaroobin kashayda kamaad xaaqmin xusuustaydiyo dareenka kamaad xalin waaxyahayga halkaad xadantada ku beertay xanuunkii kama dhamaanin xalaal baan kuu jeclaayee hadaad samihii xaraashtay nabsigu xoog kuuma waayo xaqayguna baaqan maayo jacaylkaan wada xer gaynay xiliga dheer wada dhisaynay haduu kula xubin yaraaday aniga xaashee i qaaday xubigu igu fogaaday xiskiibuu iga abaaray wuxuu xulay diirka hoose naftaydana wuu xamaashay halkaad xadantada ku beertay xanuunkii kama dhamaane xalaal baan kuu jeclaaye hadaad samihii xaraashtay nabsigu xoog kuuma waayo xaqayguna baaqan maayo
Queue is empty
-- / --