xiskuu kalgacaylku dagay
qalbiga adigaa xidhoo
xeryaad ka dhex oodatoo
xagnaba uma guurayside
xaqiiqduna waa runtee
xubiga adigaa ogee
naftan ku xasili lahaa
anoo xilo ku noqdee
jacaylka hadmaan xusnaa
aday kugu xidhan tahee
jacaylkana xiiso iyo
xuf iyo orod baa dilee
xagaaga ka dhawr walaal
xujadu haynaga hadhee

xurmiyo dhaqan soo jiriy o
xanaano hadaanu helin
hadaan xushmad lagu darayn
jacaylku xaqiisa hanan
inaga keenu waa xurmoo
xadhkaa adigaa u hayee
marleyba xiisadisa dami
adaan dadka kaa xushee
xabiibi isii wadnaha
adaan raga kaa xushee
jacaylkana xiiso iyo
xuf iyo orod baa dilee
xagaaga ka dhawr walaal
xujadu haynaga hadhee

Exit mobile version