VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Daruuf jacayl - Lyrics

Jacayl waa dhibaatoo Ruuxuu jilbaha u dhigo Jaah wareer ma daayoo Qalbiguu ka jabiyaa Jismiguu wax yeelaa Markuu adiga kaa jaro Kuuma jiidh naxaayo Jaahilbaan ogsoonayn Jilmisiyo abeesiyo Intaan jiidhay kaymaha Dhex jibaaxay awgaa Adiguna jabkaygaad Jees jees ka dhigataa Jooji hadalku yuu noqon Aan gorfaynay xaajada Saro joogsigaagiyo Jaahaaga quruxda leh Adna jamashadaydoow Kama jeesan karayoo Naf kuu jeelanbaan ahay Jiro weeyi caashaqu Ha ii jarayn cadaawaha Neceb wada jirkeenoo Jirjiroole weeyee Jacayl waayo soo jiray Uga go'ay jidiinkee Hala jilin waxaan jirin JALIILKAA u jeedee Soo joogso wiilyahaw Ha jaleecin meel kale Hoheey adigoon jidba u furin Hohery Jawaabtaadu yay noqon Kuu jaray xidhiidhkii
Queue is empty
-- / --