Heesta Guulled - Lyrics
Dunidaba dhaamnteed
Naftu kii ay doontee
Doqayga raacee
Ragba aan ka doortoo
Daymada jaleecada
Sidii ubax dilaacay baa
Kuu daawadaaayoo
Isha kaama daashee
Laabtaa daraykiyo
Damqashada ku beertaybaa
Dawa aad utahayoo
Kuma dayn karaaye
Gulleedow
dag dag igu soo noqo
Dawashada indhahiyo
Nalka kii idaaree
Ishu daawanaysee
Dadba ugu jeclaayoo
Damqashada xasuusta leh
Sidii dowg la shidaybaa
Dabku igu baxaayoo
Dadayaa xanuunkee
Laabtaa daraykiyo
Damqashada ku beertaybaa
Dawa aad utahayoo
Kuma dayn karaaye
Gulleedow
dag dag igu soo noqo