Sidaad shalay ii ahayd
Inaanad saakaba ahayn
Sax baa kuu garanayaa

Soo taad i lahayd ha dhicin
Gacmaha igu sidi jirtee
Sareedada ila jeclayd
Sareedada ila jeclayd

Sadaashaadii wacnayd
Rajadiii aan sugaayay iyooo
Safkaan kaa filaayay mee
Sadkaan kaa filaayay mee

Sirtaadii waan helooo
Alaaa sahan i noqdeee
Maantaba waan kula socdaaa

Sawirkaan wali sitaa
Inaanu sifiihii lahayn
Saluug baan igaga jirin

Soo taan kali kuu ahaa
Ubaxa ii sidi jirteed
Samaantana ila jeclayd
Samaantana ila jeclayd

Miyaad i siraysayoo
Sal iyo raad muu lahayn
Cishqigaan seedaha i jaray
I jaray Seedaha i jaray

Sirtaadii waan heloo
Alaaa sahan ii noqdeee
Maantaba waan kula socdaaa
Maantaba waan kula socdaa

Lyrics by Tayfe

Exit mobile version