waa gare waraanad haynine
waabayda caashaqu
wadnahay wareentayoo
waaxyaha halbawlaha
xididada waraabshaa
siday ugu wiiqmaan
ana walanwalkiisii
sida waqal fadkiibuu
igu soo dul waabtee
aramidu waanwaan lehe
waxa ila wacnaan lahaa
waa weheshigaagiyo
iyo wadajirkeenee

wa wareegto nolosu
sina laguma waaree
waadaanka godobtiyo
nabsi weelkii lama tolo
naf jacayl walhanayana
kolay waaban maysooo
anigaba waayahan
sida weero wahanuu
igu soo dul waabtee
aramidu waanwaan lehe
waxa ila wacnaan lahaa
waa weheshigaagiyo
iyo wadajirkeenee

Exit mobile version