Jacaylka ku soo dhawoow
Dhibaato udiid naftayda
Dhaliilaha naga fogeey

Samaantoo la dhoowrayaa
Wanaaga Dhaxdeena yaar
Inaan dhaxalnaan rabaa

Mid baad tahay dhiigiyo
Ku dhigan laabta ku dhigan
Dhir ubax lahaa
Dharaar qura ha’iga tagin

Dhagaha ufur hadalka wacan
Ku dhaado waxaan jeclahay
Udhiib niyadaada farax

Dhismaha guurkayna haay
udiid dhayliga xubiga
ku dhigo axdigeena meel

Mid baad tahay dhiigiyo
Ku dhigan laabta ku dhigan
Dhir ubax lahaa
Dharaar qura ha’iga tagin

Exit mobile version