alloow yaa kusoo doona
dadab yaa ku gaystoo
dahabuun qoorta kuu sudha
boqor dayr cadoo ugub
subax yaa dareershoo
dagalkiina soo tuba
duhurkiyo habeenkii
dayibooy ku daawada

alloow yaa ku dacal jooga
kaa ag tagin docdaadoo
dusha kaa ilaashada
aqal daahya wayn yaa
kuu daadsha gogoloo
da,yar ku xambaaroo
kaligaa ku daawada
duhurkiyo habeenkii
deeqoow ku daawada

alloow yaa ku daawaysta
dadba kaa dhawaystoo
duntii caashaq kugu xidha
yaa daalo iyo cayn
kusoo daawadsiiyoo
dambarkii gobaad yaa
doobi kaaga buuxshoo
dibnahaaga ku qabtoo
duhurkiyo habeenkii
dayibooy ku daawada

alloow yaa dal ku raaca
da,daa kaa igsada oo
dareen caashaq kugu haba
dalsankii togdheeriyo
dila yaa ku geeyoo
damashii hargeysana
darmo kuugu fidiya
kaligaa ku daawada
duhurkiyo habeenkii
deeqoow ku daawada

Exit mobile version