geed jacayl ku abuurmay
goob jacayl lagu beeray
midho guudka ka buuxsho
gees kastaaba bislaatay
gudin looma afaystoo
qofka goo yidhaahdana
garawshiyo ma yeeshee
gayaankii is jecel
qaar guhaadiyoo
caashaqa ku gafa oo
dhib u gaystaybaa jira
ana geesigaan rabayee
ee aan u golongolayee
iga goohin maayee
ha guuxin haba goohinee
halkaan gaar u rabay
waan gaadhayaa

lamaana caashaq gudoomay
oo wanaag ku gardaadshay
geedigoodu tisqaadye
lib ka gaadhay jacaylka
gargaar wuu u banaanyoo
qof kastoo garab siiyana
garashaa u dirtee
guule wuxuu u qoray
gadaal uma dhacdee
goortii loo cyimaynaa
gedeed way dhacdaa
ana geesigaan rabayee
ee aan u golongolayee
iga goohin maayee
ha guuxin haba goohinee
halkaan gaar u rabay
waan gaadhayaa

Exit mobile version