galab jimcaad anoo joogo liidoo
bada jaaha wayn jeedaalinaaya

adigaa i jiiroo xubnahaaga kala jaranbaa
jacayl igu abuuree jagbaan kugu ahee jag jag
jawaabtii maxaad odhan

inanyahaw jalaqsane JALIILKU dhamaystiray
jaahaaga wacanbaa isoo jiitay anigoo
jagbaan kugu ahee jag jag jawaabtii maxaad odhan

jeexaygii midigow aan jaar ahaanoo
abid wada jirnee kaalay ila joog kaalay

adigaan ku jantoo ku jaxaasan maankoo
kaama joogi karayee jagbaan kugu ahe jag jag
jawaabtii maxaad odhan

inanyahaw jalaqsane JALIILKU dhamaystiray
jamaalkaaga wacanbaa isoo jiitay anigoo
jagbaan kugu ahee jag jag jawaabtii maxaad odhan

Exit mobile version