quruxdu oogada sariyo
danta iyo muuqa iyo
ileen midabkuun maahee
ogoow dhaqaniyo
ogoow dadnimo
asaasku waa
dabeecad wacan
abaal aniguna adaan
ayaanloow inamada arliga
afkiyo qalbigaa dagtee
adaan gaar kuu xushee
bal dhawr ibni aadanimo
arinkaan kuu doonayoo
ujeedadaan kuu calmaday
israaciyo waa aroosiyo
nolol macaane
ajiib adiguna aftida

jacaylku ehel iyo qolo
aduunyo qof haysta iyo
aqoon cidna kuma xidhayee
ilayska sidii ishaa bidhiqdeed
qalbiguu dhex dagaa
itaal aniguna cishqigu
intuu awgaa waremay
asiib nabdigiyo wadnee
adaa dawadeey hayee
naftayda kusoo dhawoow
arinkaan kuu doonayoo
ujeedadaan kuu calmaday
israaciyo waa aroosiyo
nolol macaane
ajiib adiguna aftida

Exit mobile version