aduunyadu waa firaash
khalqigu wada fuushan yahay
faruuryaha laga hadliyo
is fahanbaa reer xukuma
sideedaba fiida ubax
fagaaruhu ka muuqashiyo
filsamidaa lagu gartaayee

cidladu faa ido male
fursadi waa ha iska lumin
wixii kugu filan ayaa
fayoobida kaa helee
fiirsasho waa lama haraan

fogaadayee ruux wax
jecel ilayn faaltaxawada
cuduur kama faydo
oo fakarku waa daawo li i
farxadi waa tii horee
faraantigii la isu xidhee
ma fashilbaa sheekadeenii

Exit mobile version