VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Asluubta wanaagsan mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Xamdi bilan
Asluubta wanaagsan

Asaaskii dunida iyo
Anigu dumar baan ahaa
Bulshada iyo Aadmigiyo
Udubki nolashaan ahaa

Hayeeshee inan ragoow
Ergiyo waxaan ahay
Dacwo eed baan
kaa tabanaya

Uurkaan kugu qaaday iyo
Waxaan fool arami
Dhibaatada kugu umalay
Horaadadu igu dhacaan
Hanqaris waxaan
kaaga dhigay

Asluubta wanaag san iyo
Anshaxa dhaqankiyo
Hidaha aqlaaqda
Maxaan ku baray

Aad baan u nasiib darne
Madfaca aqalkeyga gubay
Kan igu Riday ma adigaa

Abaalkii hooyanimo
In leyska ilowsan yahay
Axyaha weyn ma anigaa

Alleylehe inan ragoow
Ergiyo waxaan ahay
Dacwo eed baan
kaa tabanayaa

Barbaar iyo ubadka iyo
Macalin Abaabshaan ahaa
Astaantii qaranka iyo
Aayaha guushaan ahaa

Hayeeshee inan Ragow
Ergiyo waxaan ahay
Dacwoo eed baan
Kaa tabanaayaa

Agaasinka Reerka
Waliba kuma aan ekeyn
Olalihii calanka siday
Qeybtii iiga aadaned
Awood anigoo lehyn

Asaayda inaan xirtiyo
Agoonta inaan la qaxo
Astaahil u maanan laheyn

Aad baan u Nasiib darne
Madfaca aqalkeyga gubay
Kan igu riday ma adigaa

Abaalkii hooyanimo
Inleyska ilowsan yahay
Axyaha weyn ma anigaa

Alleylehe inan Ragow
Ergiyo waxaan ahay dacwo eed baan
Kaa tabanayaa.

codkii Xamdi bilan