Heesta Jacaylkii aduun - Lyrics
Indho aragaagaa
U ilmaynaayaa
Waxaa kuu ooman
Intaan ugub lahayn
Naflaha idilkoodna
Adaa ka adkaaday
2x
Hadaan isu geeyoo
Awoodaydoo dhan
Inaan ku ilaawoo
Ifka dhici maysoo
Inaan ku ilaawoo
Ifka dhici maysoo
2x
Jacaylkii aduunkaa
Adaan kuu qaaday
wey adaa igu beeray
Jacaylkii aduunkaa
Ubaxa Qalbigayga
Ugaa ka dhex beermay
Qofkaan Ag maraba
Udgoonka dareemaa
Wey dareemaa
2x
Hadaan in yar waayoo
Adi eraygaaga
Waxaa kuu oydaa
Arwaaxda naftayda
Dareenkani oogada
Adigaa amraaya
2x
Aniga eraygaaguu
Agtayda ku weynee
Ogow farxadaydu
Inay adiguun tahay
Ogow farxadaydu
Inay adiguun tahay
2x
Jacaylkii aduunkaa
Adaan kuu qaaday
wey adaa igu beeray
Jacaylkii aduunkaa
Ubaxa Qalbigayga
Ugaa ka dhex beermay
Qofkaan Ag maraba
Udgoonka dareemaa
Wey dareemaa