inanayahow sideedaba
subaxdaynu kulanaa
dhiigayga saaqdooo
sambabada u eegartee
sahwiyoo daraadaa
waanigan siloonoo
suuradaada wacan baa
naftaydii sidatee
adiguna sagsaagiyo
ha igu dayn sabaalee
iga saacid caashaqa
calanka ii kaa sudhay

siraadkii baxaayow
sadrigayga deeqoow
naf jacayl sidkadayban
sasabaa dartaayo
saacadii aan joogaba
saatir waxaan ka tuugaa
sad inaan wadaagnoo
saygaygii noqotee
adiguna sagsaagiyo
ha igu dayn sabaalee
iga saacid caashaqa
calanka ii kaa sudhay

Exit mobile version