dhaaxaad igu dhaadanaysoon
dhabtaada ku seexanaayey
dhaxanta iga weheshanaysood
si dhaba ii jeclayd
haduu xiisihii dhamaaday
anaa dhaawacaa is yeelay
dhaliisha anaa mutaystay
dhib ma leh waa yeelkadiisa

dhaaxaad ii dhaga i nuglaydoo
ilaa dhaayaha i saarto
dhabanada kuu salaaxo
cuntadu kaa dhaadhacayne
haduu xiisiii dhamaaday
anaaa dhaawacaa is yeelay
dhaliisha anaa mutaystay
dhib male waa yeelkadiisa

dhaayihii ku arkaa
xusuusta ku dheelmadee
anaa dhalnteed jacayla
dhex dhigay laabtayda
haduu xiisihii dhamaday
anaa dhaawacaa is yeelay
dhaliisha anaa mutaystay
dhib ma le waa yeelkadiisa

Exit mobile version