Sidii dhabi qurubaxoo
Qariyo buur dheer ku yaal
Hablihii waad qarisayoo
Koobkii quruxdaad sidaa

Roodaay qiimaha haween
Adaa qeyb libaax heloo
Qadarin baad mudan tahoo
Qof aan kuu dhigo la waa

Qeyrkaabaan kaa xushoo
Naftaa kugu qanacdayoo
Jidhkayga hadii la qalo
Wadnaha adigaa ku qoran

Indhuhu ruuxay qabtaan
Midhaadan ugu jecloo
Qalbigu wu kugu nastaa
Calooshaad qaboojisaa
Halbowlaha qaybiyee
Dhiigaba qaadaad wadaa

Sidii qorax soo baxdoo
Falaadhaha kafiifa iyo
Shoocaa qalin male dirtoo
Xareed quuraansataa

Quuleey lagu moodayoo
Qaniguu siduu kuu khalqee
Xabiibi laguu qorqoray
Indhuhu dhanbaa fajacay

Habkuu aleh kuu dhashiyo
Siduu qaadir sara jaray
Habluhu waxay ka khajilaan
Inay qormo kula maraan

Indhuhu ruuxay qabtaan
Midhaadan ugu jecloo
Qalbigu wu kugu nastaa
Calooshaad qaboojisaa
Halbowlaha qaybiyee
Dhiigaba qaadaad wadaa

Calooshaad qaboojisaa
Halbowlaha qaybiyee
Dhiigaba qaadaad wadaa

Exit mobile version