amaanta qofaan mudnayn
ma fiicna in loo marshee
markhaati waxaan ka ahay
inaa tahay gabadh macna leh
midabka muuqaalka wacan
maariinka casaanku galay
dhexdood madag moodaysiyo
waxaan la macnayn karayn
siduu mawle kuu khalqee
alloow yaa maalka badan
malaayiin kaa baxsho
markuu meherkeenu dhaco
intuu kaa furo maryaha
macaan isku kaa maroo
hadana isku kaa maroo
markalena isku kaa maroo
macaan isku kaa marmara

maseexdo hadaan maqlayn
codkeeda macaan mudeee
maraa waaxid waxaa i galay
sidaad maanka u dagtee
miirka maansha allaah
miisaanka caqligu ku jiro
afkood jano moodaysiyo
waxaan la malayn karayn
sidaad dhiiga u martee
alloow yaa maalka badan
malaayiin kaa baxsho
markuu meherkeenu dhaco
intuu kaa furo maryaha
macaan isku kaa maroo
hadana isku kaa maroo
markalena isku kaa maroo
macaan isku kaa marmara

Exit mobile version