dhulka hooyaday waan jeclahay
dhaqashadiisiiye
dhuuxiyo naftaydiyo qalbiga
wuu ku dheeryahaye
sidii ubad aan dhalay oo kalaan
dhab u jeclaystaaye
barwaaqada dhex taaliyo nimcada
waan ku dholalaaye
dhamaan dunida lagu nool yuhuu
qiima dheeryahay
dhaxan barafa iyo laguma oga
dhamac kulaylleede
rabibaa isugu dheeli tiray
ciida dheeftee
dhaayihii jaleecaa marqudha
kama dhergaayaane
dhuuniga cuntada laga helaa
shayna loo dhigine
dhalxan subaga dhay iyo karuur
dhayladiyo jiidhka
dhirta xabagta laga suu guriyo
midhaha dhuumaanta
nin dhadhamiyay kuma doorsan karo
dhawrta dibadeede
dhexdiisaan kuu noolaanayaa
iilkoo lay dhiga e
dhalinta waxaan barayaa
dhaqamadoodiiye
sharafteena wixii dhuminayaan
dhaafa leeyahay
dhisa qaranka dheeliga ka jira
dhidibada u taaga
dhaqankiyo hidaha waan jeclahay
uu abkay dhigaye
waxa laga dhex xulay diintayada
maaha dhalanteede
dhaxalkayga iyo waan sidan
iga dhamaanayne

Exit mobile version