aduunbaan ku doortayoo
da'daa kaa doorbidoo
i deeqo kula darsee

dartaabaan u duubanoo
jacayl iigu kaa dun xidhay
hurdadaan kugu daawada

hadaan dalan baabi dhacayn
dartaa u dayaysanahay
dadkuna ila yaabanyahay
miyyad ii diir naxayn

sidii dirir hoorayoo
daruuraha soo kacshoo
deegaanka jabuuti helay

duunyadu kuu dareertayoo
nimcada la durduurtaybaa
qalbigu kuugu doogsadaa

adaan degmo quruxsaneey
degmooy u dadaalayaa
inaan dadab kula galee

dulqaad badan dayax la mood
miyaan dadba kula simaa
dushayda ku saarayaa

Exit mobile version