laayaan jacaylbaa
anigoo ladnaan qaba
laabtayda taabtoo
aan lilaahi moodee
ludna ii horseedyo
lahwi igu abuuryoo
leelada haraadkiyo
luun igu ekeeyee
laydhaa sareetiyo
dhirta maygu laalay
sida Layla duhuleed
laalayaad naftaydii

ani way I lugooyoo
lal iila kacayoo
loolibuu isaaroo
iska loodin waayee
libin kama ahaynee
loolan nama dhex ooline
caashaq I laamisay
sideen kaga ladnaada
laydhaa sareetiyo
dhirta maygu laalay
sida Layla duhuleed
laalayaad naftaydii

Exit mobile version