Heesta Anaa dhinacaaga - Lyrics
dhibaato hadaad dareento
anaa dhinacaaga taagan
hadaad iga yara dhaqaaqdo
anaa kuu soo dhawaada
dharaartaad iga cadhooto
anaa dhuuniga ka sooma
habeenkaad iga dhuyaasho
anaa dhafra oon kol seexan
qofkii dusha kaa dhaliila
anaa jara oo ka dhaarta
qofkii neceb dheeligaaga
anaa jecel oo kuu dhaqa
dhankaaga hadaad banayso
anaan kuu dhigayn aduunka
hadaad igu dhago adkaato
anaan ka dhargayn codkaaga
hadaad mar i dhaawacayso
anaan dhayal kugu ilaawayn
hadaad dhabar jabi tidhaahdo
anaan dhana kaa tagaynin
qofkii dusha kaa dhaliila
anaa jara oo ka dhaarta
qofkii neceb dheeligaaga
anaa jecel oo kuu dhaqa