Heesta Baby - Lyrics
Xurmooy barashadeenii
Caashaqii ka beermaa
Beerkayga wareemoo
Igu reebay boholyow
Bartamaha habeenkii
Anoo buurahaa lali
Oo ku baafi goobaa
Sow ma soo baraarugo
Bureeqadaan jeclaayay
Hadaan baalal leeyahay
Sow ma soo baqooleen
Barta aad ku nooshahay
Baryo kuma nagaadeeen
Boqorkaan jeclaayoow
Baashihii naftaydoow
Bah wadaag jacaylkii
Igu baah jidhkoo idil
Inta aan bukoon baby
Bastay noqon baby
Iga baano caashaqa baby
Ila beegso nolol wacan baby