Heesta Bulbul - Lyrics
caashaqu awgaa i gilgil
wuxuu i galiyay qilqil
intuu i kaxeeyay kolkol
sawkaa ii tuuray salsal
xubigu awgaa i kilkil
dhididka oogadayda i qulqul
intuu i dhexqaaday i xulxul
caashaqu ma ii yeelay kulkul
anoo geel ku maala milmil
waligay aan dhaafin faalfaal
dhaantada tumanaaya waalwaal
jacaylku biyoobay jawaabtii daldal
dabadeedna yda i geeyay qolqol
caashaqu awgaa i malmal
talaabo u qaaday halhal
intuu ii dhadhamay malmal
sowkaa igu riday walwal
xubigu laabtayda xalxal
dhankaa kalgacaylka dhildhil
intuu ii dhiibay bilbil
caashaqu oogadayda solsol