Adiga dhaqsanayoo
hawada dhex marayee
?
shimbiryahow dhaqaaqo
dhudi hadaladan ugeeyee
iga noqo dhambaal wade

Dhabahaad ku kulanteen
ayuu ubax dhig Dhigayaa dheh
Dhankii aad martuu
wali dhawrayaa dheh
dhaxantiyo kulaylkana
hada wu dhididayaa dheh
dhuuxi caashaq I galay
ayu la dhuubtay waayadan dheh

Inad adigu so dhoofto
ood dhay dhayato mooyee
noloshii dhabta ahayd
Ka dhacyoo mid kaa lumay
waana dhudi daraada

Marbuu hadalo dhaadheer
Iyo Qosol kali la dhacayaa dheh
Dadku dhaygag Iyo yaab
ayey badi ku dhaafaan dheh
mar dhunkaal cun lagu Yidhi dheh
oo dhimasho doondoon dheh
dhakhtarkaa mar loo gee dheh
marna faalka niman dhiga dheh
mar dhimbiilo lo shid o dhashtaa
dab laga saar dheh

Exit mobile version