VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dumar kala dheer - Lyrics

Midaan daydayaayeen Daymadeeda quruxda le Iga deeqday dumarkaba Mar haday i diiday Ma i dayn jacaylyow Bal inaan dawoobo Ilayn diraadiraaluhu Labuu kala duleeyaa Dalanbaab jacayl Midba gees u dira oo Kala dila ma waayee Dookhaygaa wareerkiyo Ila doontay dabinkee Daacad iyo dumar Ala kala dheeraa Midaan daydayaayee Dabiibkayga moodee Naftu ay ku daashew Damucu i raacshaa Waa daruur hilaacdoo Misna aan da'ayne Dookhiyo naftaydii Samirbay darseene Duni nabad ku joog Ana doogta caashaqa Mid dawaysa waan heli
Queue is empty
-- / --