VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Faadumo - Lyrics

faadumoy jacaylkaagu ani waa mid igu dheeree dhaayaha ku doogsada markay adi ku dheehdaane dhagahaygu hadalkaaga way farax dhagaystaane dhal gobeedoo sharaf loo edyoo dhawrsan baa tahaye dhexda madagta moodiyo ilkahan dhayda ka cadaaday luquntaada dheeriyo xubnaha dheeha midabkaaga dhan loo dayaba quruxbuu rabi kugu dhamaystiraye dhamaantood gabdhaha dunidad qiimo dheertahaye dhabeel gaariyaa tahay marwaan kala dhantaalayne dhaqan wacan xishood badan asluub dheeri laaa tahay dhigaa midaan kula simana hooyo may dhaline faadumo dhawrsaneey dheeman baa tahaye kalgacayl aad igu dhalisay baad kuula dhaygagaye intuu dhiiga raacuu qalbiga dheemaney dagaye dhummadiyo dadnimadad qayrkaa dheertahaye isma dhaafno labadeenu abid dhimasho mooyaane dhaqaaq socod miisaanka xarago aayar dhigidada hadal dhihida dhawaaq qosolka doolo ka cadaynta dhamaysaye dulqaadkiyo dadnimuu eebo kuu dhaliyee dharaartaan ku helaybaan nasiib dhaafay aadmiga dhabeel gaariyaa tahay marwaan kala dhantaalayne dhaqan wacan xishood badan asluub dheeri laaa tahay dhigaa midaan kula simana hooyo may dhaline faadumo dhawrsaneey dheeman baa tahaye
Queue is empty
-- / --