faadumoy jacaylkaagu ani
waa mid igu dheeree
dhaayaha ku doogsada
markay adi ku dheehdaane
dhagahaygu hadalkaaga
way farax dhagaystaane
dhal gobeedoo sharaf loo edyoo
dhawrsan baa tahaye
dhexda madagta moodiyo
ilkahan dhayda ka cadaaday
luquntaada dheeriyo
xubnaha dheeha midabkaaga
dhan loo dayaba quruxbuu
rabi kugu dhamaystiraye
dhamaantood gabdhaha
dunidad qiimo dheertahaye
dhabeel gaariyaa tahay
marwaan kala dhantaalayne
dhaqan wacan xishood badan
asluub dheeri laaa tahay
dhigaa midaan kula simana
hooyo may dhaline
faadumo dhawrsaneey
dheeman baa tahaye

kalgacayl aad igu dhalisay baad
kuula dhaygagaye
intuu dhiiga raacuu
qalbiga dheemaney dagaye
dhummadiyo dadnimadad
qayrkaa dheertahaye
isma dhaafno labadeenu abid
dhimasho mooyaane
dhaqaaq socod miisaanka
xarago aayar dhigidada
hadal dhihida dhawaaq
qosolka doolo ka cadaynta
dhamaysaye dulqaadkiyo
dadnimuu eebo kuu dhaliyee
dharaartaan ku helaybaan
nasiib dhaafay aadmiga
dhabeel gaariyaa tahay
marwaan kala dhantaalayne
dhaqan wacan xishood badan
asluub dheeri laaa tahay
dhigaa midaan kula simana
hooyo may dhaline
faadumo dhawrsaneey
dheeman baa tahaye

Exit mobile version