Heesta Fogaantaada - Lyrics
maalmaha isdaba jooga
igu adag maqnaantaadu
wakhtiguna i maaweeli
adna meel fog iga aaday
ana doonay muuqaaga
mar dhibsaday figaantaada
cududaha ka murugooday
masaafada u cudur daaray
cidladana ka meer meeray
u dulqaatay mahadhooyin
muujiyay dadaalkayga
micnihiyo ujeedkeena
u bandhigay macbuudkeena
duco iyo adkaar miisay
bal inaan ku helo maalin
kaligaa ku muuneeyay
murtidayda kugu koobay
maansooyin kuu dooray
magacaaga wayneeyay
allaylehe ku maamuusay
kaamaarmi kari maayee
miyirkaa ku taba qaali
meelbaad ku taalaaye
ila joog macan aduunka
maankaygiyeey kaalay