Heesta Gaari dhowrsan - Lyrics
Hadii gaari dhawrsani hablahaad
Ugu dhag roontahaye
Marwo dhaqanlebaad tahoo
Oon Kala dhantaalnayne
Dheeman aynigaa waad u sidataa
Dumar dhamaantiiye
Dhabeel qiimolaad tahoo
Iyo dhawrsan gabadheede
Nasiib kuu wax dheeryahay raga uunbaad
Calaf ugu dhaxdaaye
Dhankastaba adaa hablaha
Dheemantoodiye
Dhig madheedh ku taaliyo sidii
Laamo dhabiyeedba
Ama dhagaxa luulka ah sidiisad
Hablaha qiimo dhaaftaaye
Dhedignimada mooyee
Miyaad
haween aad u dhigataaba
Dhamaysay ILAAHBAA ku dhaafshoo
Adaa dhaabad ugu roone
Rag ninkaad u dhaxdaad dheeli mudanayne
Hadii dhaabad iyo qurux hablaha
Dhaqasho loo taydo
Mida kaliyaabad tahee hablaha
Dhalasho loo haybshee
Dheemaneey dhamaysbaad tahoo
Adaan kala dhantaalnayn
Dhamastu geedaha lama sinee
Way ka dheertahaye
Adiguna sidaasay dhugmada
Quruxi kuu dheertee
Dhaayahaygu may qaban midaan
Adiga kuu dhigo'ee