VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hablaha jarar - Lyrics

Haybadda muuqiyo hiddaha sugan Hanaankiyo quruxda heerkaleh Haween loo bogay Habiyo dhaqan 2x Hablaha loo qiray hal doorsami Hablaha xurmadiyo xishood hufan Hablaha lagu hubo haniyo sharaf Horweeyn geeliyo hantida dhaban Hablaha mudanee Haldoor gayaan 2x Hablaha gayigan u heer wacan Hubaal dhagax buurna laga helo qofkii halacsadaan hilmaaminoo Wixii hodanee hagoog malahee Haybadda lagu laray hablaha jarar Markhaati habla ah baa loo heli 2x Hablaha qotonkiyo hubqaad sami Habla guri biloo lahaybasadoo Hidaha dhaqankiina lagu hubo Hablaha sida heega roobaad Hablaha nin helaa harraad baxo Hablaha aan la hurin hammiga guur Horweeyn geeliyo hantida dhaban hablaha mudaneey Haldoor gayaan 2x Hablaha gayigan u heer wacan Hubaal dhagax buurna laga helo qofkii halacsadaan hilmaaminoo Wixii hodanee hagoog malahee Haybadda lagu laray hablaha jarar Markhaati hablaaaaba loo heli 2x
Queue is empty
-- / --