Heesta Gobaad - Lyrics
gobeey gabdhahaad u bilantay
garasho caqligaad u roontahayee
gad-dhaafiyo ceeb ka dheertahayee
gees walba adigaa dhamaystiraneey
gayigaan adigaa adigaa u magac dheer
quruxna guudkaaga sudhantahay
kuu goglay gararkaa wadnaha
ku gama' qalbigan adiga kuu guriga ah
oo midii gacalana ma gees maro
midii gobana ma goyn karo
midii gaariyana ma gees maro
geedkii xubigana ma goyn karo ee
oo gacalooy gabdhahaad u mudantahay
gundhiga noloshaad u garab tahayee
gargaar caashaqaad u hiil tahay
goor walba adigaa u dhalan roone
garwaaqsi adigaa u mahasho le
garbaha xishoodkaagu sudhanyahay
geesaha maankaad ku guntantahaye
godlaye xiskaygaa adi kuu gogala