Heesta Ha dhibin Caashaqa - Lyrics
adaa dhayalsaday xubiga
waliba dhayal moodayee
dhabuu aniga iga yahay
dharaartii ayna qaban
indhuhu quruxdaada bilan
sidii danab lay dhexqaad
ha dhibin ha dhibin
caashaqa ha dhibin
dhaawanbuu dhashee ha dhibin
sidii dhalaan ha u socdoo
ha dheeldheeliyee ha dhibin
haduu rabitaan dhab yahay
jidhkayguu dhinac kastaba
sidii dhiig waraabiyaa
dhambaalana kaama helin
jawaabtaan dhawrayee
maxaa dhacayoo ku helay
ha dhibin caashaqa ha dhibin
dhawaanbu dhashe ha dhibin
dhalaan sidii ha u socdoo
ha dheeldheeliyee ha dhibin