Heesta Ifka igu xanaanee - Lyrics
qof xaqiiqa kuu jecel
ha xumaynin waliga
qalbi adiga kuu xalan
kabo yuusan xaasidin
xumaatada ruux neceb
xurmo kaa mute garo
halgaldaac qof kaa jiray
ha ku xoorin waayaha
intay noloshu xay tahay
qof xidhiidhka kuu jaray
xigto malaha aakhiro
una xiisi mayside
geeridu xaq weeyi
hadii aan xabaal galo
i xanbaari mayside
ifka igu xanaane
naftii adiga kugu xidhan
marka xooga leedahay
ku xadgudub ha is odhan
qofkii xaalad kuu adag
xur wanaagsan kuu galay
xilli hore wax kuu taray
waliga xasuusnow
intay noloshu xay tahay
qof xidhiidhka kuu jaray
xigto malaha aakhiro
una xiisi mayside
geeridu xaq weeyi
hadii aan xabaal galo
i xanbaari mayside
ifka igu xanaane