jacaylku samuu ahaa
farxada sadriga ahuu
gayaan isku sooman buu
siraadka dhex yaal ahaa
tixgalin sugan buu lahaa
digasho mid ka soomanoo
dad is jecel simaba buu aha
sahanka noloshuu ahaa
jacayl saban aakhiroow
sas baad ku aloosan tee
sadkaaguba waa ilaaq
wanaagad seegan tee
maxaan kugu saacidaa

sabaalaha la isku hodo
jacaylku sir muu ahayn
wixii surmo seeg jiraa
mid saamaxa buu ahaa
xadhawr isku soora laba
aadmiga iska soocdayoo
siyaadshaan xurmoo ahaye
sifahan muu lahayn xubigu
jacayl saban aakhiroow
sas baad ku aloosan tee
sadkaaguba waa ilaaq
wanaagad seegan tee
maxaan kugu saacidaa

lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version