Heesta Jacaylka xuskiisa ogow - Lyrics
Qalbigan xiisay xurmooy ku tabaay
Aniga xubiyee xalay iwadoo
Xaggaa iyo banaadir ii Xawiloo
Xeebtii liido xasuus ku maroo
Ka xaadiray xaafaddii Hodaneey
Waxaan ku xeraa sariirta xisaab
Xiliga kalgacaylku xayi noqda oo
Xilbaa iga saaran xaalkaaga
Habeen Ma xamilo xogtaada La’aan
Adoo xamar jira Xabiibi macaan
Naftaa ku xasileen Xiro aworoo
Xaqiiq guryasamo xarako tabinee
Xariirka dhaxdeena ii xafidoo
Jacaylka xayaati xuskiisa ogoow
Xaruunta gobanimo xigtada uheshoo
Xariir weeyaan xishood badanoo
Xawadeeda ilwaad xanaaneeyoo
Cudkada xaybdaav ku xeera
Xariirtii muqdishaay xilkaa fuliyaa
Dhulkii xubnaheeda ii xasladaa
Xujeeyay kashaydan anaa xushayooo
Sidii xaramkaan ku soo xajiyaa
Xaynkaagu halkuu xantoobsada oo
Adoo xamar jira Xabiibi macaan
Naftaa ku xasileen Xiro aworoo
Xaqiiq guryasamo xarako tabinee
Xariirka dhaxdeena ii xafidoo
Jacaylka xayaati xuskiisa ogoow