Heesta Jacaylkuba - Lyrics
qalbigan ku rajaynayaa
aniga raran igu shidoo
hadaan kaa reebi karo
naftani rabitaanku dagay
jacaylkuba ima rarteen
wadnaha raarkiisiyo
halkaa beerkiyo rubada
kalgacalkan lagu rakibay
qofaan dadka iiga roonayn
rafiiq iigama dhigteen
anigu kuma raadiyeen
kumana soo raad gureen
dharaarba rugtaad fadhido
raarteeda ma soo galeen
haday ruuxdani ku jecel
wixii runa iga maqlayso
qudhaydani ku raacdayban
ra'yiga iga qaadanine
haday ruuxdani tashiga
ra'yiga iga qaadan lahayd
jacaylkuba ima rarteen
anoo rasmi kuu nugul
adaan rabin aragtide
miyaan raacdayn lahaa
rugtaad kolba joogtidoo
roonaanshaba kuma bideen