Qudhbaa qudha loo hibeeyay qalbaa qalbigiisa
Doortay labo isku qalantabaa xaqiiqo is wada yagleelay

Labaa isku qalantabaa xaqiiqo is wada yagleeyay

2x

Qorshihii kawsarbaa
Hagaagay nasrigii deeqsi baa rumoobay
Riyadii qarankaa dhabowday Jacayl quwadlaa tisqaaday

2x

Alow qisadani runtii farxada qoys lagu yagleelay Aroos qaro Wayn leh caawa dadkii
Qabanqaabiyeen ka yeel
Hoy lagu qaboobo

2x

Gayaan isku qanacasanaaday is qaabilay baa midoobay
Hadana farxadii uquudhnay murtiyo heesaba uqaadnay la qaybsanay maalintooda

2x

Hadana farxadii uquudhnay murtiyo
Heesana uqaadnay la
qaybsanay maalintooda

Exit mobile version