VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Landa - Lyrics

qurux loo dhameeyay ladnaay qaali baa tahay e dhaqankiyo hidihii baad qabta uunku qaayibaye qudhu way ku raacdoo nafaad qaadataan ahaye qoton jooga muuqaaga iyo quruxda jaahaaga qumaneey dadnimadiyo qasnada qaadir kuu dhaliyo qunyar socod talaabada mar sharaf u qaadayso qawlkaaga hadalkuu wadnuhu igu qaboobaaye qalbiguu daweeyaa mcn sida quraankiiye inaad qalanjadii dumarka tahay waa laguu qiraye qosolka faraxa dhoolaha markaad hadal ku qeexayso qiimaynta aadmiga ladnaay ruux qadarinaada qofaan kula simaba maan arag dumarka qayrkaa ah qorax soo baxaysaay amaan waad u qalantaaye xidigtii qarnigana tahay iyo dheeman qaaliya ahe shanta qaaradoodbaad hablaha qiimo dhertahay qawlkaaga hadalkuu wadnuhu igu qaboobaaye qaligu daweeya macaan sida quraankiiye inaad qalanjadii dumar tahay waa laguu qiraye
Queue is empty
-- / --