qurux loo dhameeyay
ladnaay qaali baa tahay e
dhaqankiyo hidihii baad qabta
uunku qaayibaye
qudhu way ku raacdoo
nafaad qaadataan ahaye
qoton jooga muuqaaga
iyo quruxda jaahaaga
qumaneey dadnimadiyo
qasnada qaadir kuu dhaliyo
qunyar socod talaabada
mar sharaf u qaadayso
qawlkaaga hadalkuu
wadnuhu igu qaboobaaye
qalbiguu daweeyaa mcn
sida quraankiiye
inaad qalanjadii
dumarka tahay
waa laguu qiraye

qosolka faraxa dhoolaha
markaad hadal ku qeexayso
qiimaynta aadmiga
ladnaay ruux qadarinaada
qofaan kula simaba maan arag
dumarka qayrkaa ah
qorax soo baxaysaay
amaan waad u qalantaaye
xidigtii qarnigana tahay
iyo dheeman qaaliya ahe
shanta qaaradoodbaad
hablaha qiimo dhertahay
qawlkaaga hadalkuu
wadnuhu igu qaboobaaye
qaligu daweeya macaan
sida quraankiiye
inaad qalanjadii dumar
tahay waa laguu qiraye

Exit mobile version