VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Liin macaan - Lyrics

midab quruxeey muuq wanaageey inagoo mid ah oo mataano ah markay nacabkeenu maqlaan ku mashquulkiyo mixnadoodii meel ay geeyaan markay waayaan murugo iyo ciil ha mutaystaan muxibadaan marwooyo kuu qabo kol aan miisaan mar is idhi saaraa muxibadaan marwooyo kuu qabo kol aan miisaan mar is idhi saaraa ka mug waynaa ala masalkii kala sida malabkaan ala ku muudsan lahaa murmurcoodkiyo sida midhihii liin macaantaan ku miiran lahaa kolkaan meel kula joogo macaan wax mushaakil ah ma dareemoo waan maquudaa markaan ku arkoo miyirkaygaad miciin u tahoo muftaax adigaa u ah maankoo maskaxdayana mulkiyoo dagay muftaax adigaa u ah maankoo maskaxdayana mulkiyoo dagay mudantaan dumar ka madhaay midigtaay midigtaan bidixda ka maarmayn mudantaan dumar ka madhaay midigtaay midigtaan bidixda ka maarmayn dadka marag iyo oo markhaatiya inagoo mida aan mushaaxnoo kii masayrana ma huraaneey maca salaamaynta aan u muujino kii masayrana ma huraaneey maca salaamaynta aan u muujino maca salaamaynta aan u muujino maca salaamaynta aan u muujino
Queue is empty
-- / --