aaminay quruxdaada
farxadaa qosolkaaga
qor qorniga joogaga
qiimaha sharaftaada

qiyaas hadalkaaga
qab weyni la aantaada
hoobal qotontaada
nafta u qushuucda

qacdaan ku arkaba
qasdiga xigmadaada
laabta ku qaboowdaa
marwadii qarnigaa
quwee kalgacaylkaa

marwooy quruxdaada
qaabkiyo hanaankaaga
qalbigaaga wanaagsan
qaayahaa noloshaada

qumane dabcigaaga
cabaadhyaha qoorta
hoobaal qotonkaaga
nafta u qushuucda

Exit mobile version