VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Nafisa - Lyrics

Niyadan ku rabtee qushuucsan Naruuraad u tahay shifaysan Nidaamka lagu gaadho reersan Nafiisaay inagaa isu raacsan Naf qaybsigeenaa tusmaysan Nadarka dhaayaha jibaysan Nabaad u tahay ilwaadsan Nasriga soo dagaaya goorsan Nasiibkaa sidee wanaagsan Nafiisaay adigoo garawsan Niyayso naftan kuu hibaysan Namiimka labadii midaysan Naxliga dhex dhigee habawsan Nafiisaay noqo tii ka dhawrsan Nacab yaanu ku duufsan Nuurkii caashaqaa siraadsan Natiijo wacanbaa aloosan Neecawda guurkaad ku nuursan
Queue is empty
-- / --