VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Nitaaqo - Lyrics

nafta taan u xulayeey aan ku helaay nasiibkaay ma anaa naruuriyo kugu gabay nasteexoo raba niyadjabkaaga naxli kuuma quudhee maxaad ii nuglaysaa anigoo nitaaqiyo nacab adigaa ka gayin nuurkii dhaayahaygaay nabdigiyo kashaydaa tahay ruux ku nagiyo qalbigaad ku naban tahay noloshiisu waa adi calafbaa nagaanshaha lagu naawilaayee ma anaa sidii nacab nabar kuula raadshoo jecel naafadaada kumaa quudho nagaadey wax kastooy naftaaduba naxli ay u aragtee ila naaxi caashaqa nuurkii dhaayahaygaay nabdigiyo kashaydaa tahay ruux ku nagiyo qalbigaad ku naban tahay noloshiisu waa adi lyrics by Ismacil Ahmed
Queue is empty
-- / --