nafta taan u xulayeey
aan ku helaay nasiibkaay
ma anaa naruuriyo
kugu gabay nasteexoo
raba niyadjabkaaga
naxli kuuma quudhee
maxaad ii nuglaysaa
anigoo nitaaqiyo
nacab adigaa ka gayin
nuurkii dhaayahaygaay
nabdigiyo kashaydaa
tahay ruux ku nagiyo
qalbigaad ku naban tahay
noloshiisu waa adi

calafbaa nagaanshaha
lagu naawilaayee
ma anaa sidii nacab
nabar kuula raadshoo
jecel naafadaada
kumaa quudho nagaadey
wax kastooy naftaaduba
naxli ay u aragtee
ila naaxi caashaqa
nuurkii dhaayahaygaay
nabdigiyo kashaydaa
tahay ruux ku nagiyo
qalbigaad ku naban tahay
noloshiisu waa adi

lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version