jacayl baa qofkii nugul
u hor kaca nitaaqoo
nabdi ruux ku wayn yahay
nasan waa dharaar qudha
niyad caashaq helaybaan
ku nagaanin samirkee
nafta waxaa celceliyaa
rajo naawilaadee
waa calaf nasiibkiuye
nasri eebo keeniyo
naqa sheed ka muuqdan
ku naaloonayaayoo
qof baan ahay la nool
kalgacaylka nasiibaye

jacaylbaa naruuriyo
ku hirgala nasteexee
naxdin waayi maysee
kashu naasibaadee
nagaanshaha kalgacalkana
nabar lagama waayee
nafta uu haleelaa
xiisaha ku nagaataa
waa calaf nasiibkuye
nasri eebe keeniyo
naqa sheed ka muuqdan
ku naaloonayaaye
qof baan ahay la nool
kalgacaylka nasiibaye

Exit mobile version