qacdii ay indhuhu
qumaati ay adiga
ku qayibeen
wixii i qabsaday
waar ma qeexi karee
sidii qarni tagay
qof soo hadhaybaan
qawlkaan ku hadlaba
waar la qoonsanayaa

dadkaba qaarbaan
qumaati u garan
wixii qabsadoon
qabawga dhididaa
kulaylka qadhqadhaa
waxaad la qafiiftay
armay qandho tahay
qalbiga hurudoo
aan kiniin la qoriyo
naa qardhaasba laayn

kuliba qayrkaa
adaa i qanciyoo
qudka kaaga go,oo
jacayl ila qabo
ma quusanayee
sidii qarni tagay
qof soo hadhaybaa
qawlkaan ku hadlaba
waar la qoonsanayaa

qofaan ku jeclayn
adaa qasbayoo
ku qaylinayee
waxaad la qafiiftay
armay qandho tahay
qalbiga hurudoo
aan kiniin la qoriyo
aan qardhaasba lahayn

Exit mobile version