Qofna dhalashadaaduu
Kuu dhiibayaa ubax
Qofna si aad u dhimatuu
Kuu qoolayaa dhagar

Dhakhtar adiga kula raba
Inaad dhaawacnaatoo
Waxa dhiba isaga dhiba
Nabarkaaga inu dhayo


Jacayl dhaba xidhiidh dhifa
Inay wada dhistaan nolol
Laba dhaar ku wada maray
Qof dhex galay dhib weynaa

Qofbaa taada dheel dheel
Kaga dhiga waxaan jirin
Qofna dhaadashada adi
Farxaddaada kula dhidib

Waxad maanta dhigataa
Berray kugu dhacaayaan
Qof ka dhoohan ciilkiyo
Shallaytada ku dhawr murug


Jacayl dhaba xidhiidh dhifa
Inay wada dhistaan nolol
Laba dhaar ku wada maray
Qof dhex galay dhib weynaa

Exit mobile version