Heesta Rabi ha isku keen simo - Lyrics
raaxadii qalbigayee
nafta raali galisay
igu reebtay inanyahay
raxmadii jacaylkee
dumar adiga mooye
rajo kama sugayee
inkastoon soo rogaal celin
rabi ha isku keen simo
ruucadii ku rabaabo
ka habaystay awgaa
anba kaama roorine
inaan kula rifiiqe
naf jacaylku raamsadaye
raysku ma qaboojiiye
inkastoon soo rogaal celin
rabi ha isku keen simo