VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Rasmi Lyrics

raaliyo ideeqdaay
riximkii naftaydaay
rafiiqaygii noloshee
rabi igu galadayeey
ramad lagu qabooobay
rucub geed ku taaloo
ruuxdaydu jamataay
rajo koriyahaygaay
rasmi lama huraaneey
raxan maanka qoysaay
raasamaalkii noloshay
rubadaad bogsisaa
rafaad kugu ilawdaaye
raxma inan gobeedeey
waxaa tahay qof ii roon

marwo raad qaboow oo
rabigay asluubiyo
u raaxeeyay sharafaay
gob is raacsan baa tahay
rabitaan kalgacaloo
runa taan wadaagnaay
naftaa kuu riyaaqdoo
agtaadaan ku raystaye
rasmi lama huraaneey
raxan maanka qoysaay
raasamalkii noloshaay
rubad aad bogsiisaaa
rafaad kugu ilawdaye
raxma inan gobeedeey
waxaa tahay qof ii roon

loading..
-- / --